Ku Saabsan Deeqda Waxbarasho
Deeqdan waxbarasho waxaa ka faa’iidaysan kara ardayda leh baahiyaha gaarka ah ee ka soo qalin-jabisay dugsiyada sare iyo jaamacadaha Puntland, gaar ahaan kuwa buuxiya shuruudaha lagu xusay deeqdan waxbarasho.
Shuruudaha Guud
- Xogta codsaduhu waa inay noqotaa mid sax ah oo dhammaystiran.
- Dhammaan dukumentiyada loo baahan yahay waa in la soo geliyaa/upload-gareya meelaha loogu tala-galay.
- Codsaduhu wuxuu deeqdan waxbarasho uu soo codsan karaa hal codsi oo keliya.
- Deeqdan waxbarasho waxay si gaar ah ugu talagashay ardayda leh baahiyaha gaarka ah.
