Garowe, Puntland State of Somalia
info@moeplstate.so

Hambalyo munaasabadda aasaaska Puntland

Hambalyo munaasabadda aasaaska Puntland
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxa ay bulshada Puntland ugu hambalyeynaysaa sannad-guurada 28-aad ee aas-aaska Puntland. Maalintani waa astaan muujinaysa midnimada, nabadda iyo himilada dadkeenna ee horumarka iyo dowladnimada.

Munaasabaddan qiimaha badan awgeed, Wasaaraddu waxa ay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan bahda waxbarashada Puntland, gaar ahaan ardayda, macallimiinta, waalidiinta, maamulayaasha dugsiyada, jaamacadaha, bahda tacliinta sare iyo dhammaan cid kasta oo kaalin muuqata ka qaadata horumarinta waxbarashada.

Waxaan Puntland u rajaynaynaa sannado badan oo nabad, barwaaqo iyo horumar waara, iyadoo aynu si wadajir ah uga shaqaynayno kobcinta aqoonta, midnimada iyo horumarka Puntland.